Iskaashiga dhaqaale ee imaaraadka iyo kenya, ffilo-baddeed cusub oo xawaare sare, ayaa isku xireyso Kenya iyo Imaaraadka, taas oo kor u qaadeyso ganacsiga dhijitaalka, hal-abuurka teknoolojiyadda iyo isku-xirka dhaqaalaha labada dal, iyada oo Kenya ka dhigeeso xarun muhiim uh Bariga Afrika.
ISKAASHIGA DHAQAALE EE IMAARADKA IYO KENYA:
XOOJINTA DHIJITAALKA
Iskaashiga dhaqaale ee Imaaraadka iyo Kenya, ayaa gaaray guul oo dhinaca teknoolojiyadda ah, ka dib arkii la daah-furay fiilo-badeed cusub oo xawaare sare leh oo isku xireyso labada dal. Mashruucaan oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinaayo kaabayaasha dhijitaalka ee Afrika iyo Bariga Dhexe, ayaa lagu sheegay in uu keeni doono intarnet dheereeya, ammaan-xoggeed oo wanaagsan iyo iyo aqqonta dhigitaalka.

Iskaashiga dhaqaale ee Imaaraadka iyo Kenya, fiiladaan oo 1,000 kiilomitir hoos martay Badweynta Hindiya , ayaa Kenya ka dhigi doonto xarun dhijitaal oo muhiim ah, halka Imaaraadkan uu sii xoojinaayo doorkiisahoogaamineed ee isku-xirka caalamka. Mas’uuliyiinta waxaa ay sheegeen in uu mashruucan qayb ka yahay aragtida labada dal ee ku aadan isbeddelka dhijitaalka iyo hal-abuurka.
Akhriso sidoo kale:
KOBCINTA GANACSIGA IYO HAL-ABUURKA
Iskaashiga dhaqaale ee Imaaraadka iyo Kenya, xiriirkaan cusub ayaa la filayaa in uu si weyn u kobciyo ganacsiga dhijitaalka iyo iskaashiga I dhexeeyo labada dal. Ganacsatada Kenya ayaa heli doono suuqyo dhijitaal oo horumarsan, halka maal-geliyeyaasha Imaaraatka ay sahmin karaan fursado ka jiro teknoolijiyadda Kenya. Mashruucaan ayaa sida oo kale faa’iido u yeelan doono shirkaddaha yaryar, hay’addaha maaliyadeed iyo adeegyada intarnetka, maadaama uu bixinaayo xog-gudbin deg-deg ah oo la isku haleyni karo.

Iskaashiga dhaqaale ee Imaaraadka iyo Kenya, sida oo kale, waxaa uu taageerayaa himilada suuq dhijitaal oo mideysan ee Qaaradda Afrika., taas oo kor u qaadeyso hal-abuurka iyo kobaca dhaqaallah ee isku dhafan. Khubarada waxaa ay u arkaan fiiladaan in ay isku-xirka istaraajiyad ah oo kor u qaadeyso doorka Afrika ee dhaqaalaha dhijitaalka ah ee caalamka.

