Qoondada Xajka ee Soomaaliya, Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa maanta heshiis qoondo Xajka ah oo 1447/2026 ah la saxiixday dhiggiisa Sacuudiga, Mudane Dr. Tawfiq bin Fawzan Al-Rabiah, magaalada Jeddah. Heshiiskaas, qoondada sanadlaha ah ee Xajka Soomaaliya waxaa lagu dejiyay 11,500 oo xujey ah.
QOONDADA XAJKA EE SOOMAALIYA: WAFDIGA KA SOCDO SOOMAALIYA

Qoondada Xajka ee Soomaaliya, waftiga Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Wasiir Roobow, ayaa ku sugnaa Sacuudi Carabiya iyagoo ka qayb qaadanaya Bandhigga Adeegyada Xajka iyo Cumrada ee sanadlaha ah, oo loo yaqaan “Xaj Expo,” kaas oo ururiya wakiillo ka socda waddamada Muslimiinta ah ee adduunka oo dhan si ay isugu dubbaridaan una horumariyaan adeegyada xujeyda.
Akhriso sidoo kale:
Qoondada Xajka ee Soomaaliya, qoondadaan ayaa ah mid lagu xakameenaayo xujeyda u xajineyso dalka Sacuudi Carabiya, iyada oo looga golleeyahay in Muslimiinta ay ku tagaan ogalaansho ay bixiyeen dalaka ay ka soo jeedaan. Arrintaan ayaa la qabtaa sanad walbo, iyada oo lagu qeybsanaayo tirada xujey uu dal walbo ku leeyahay Sacuudi Carabiya oo kaashaneyso dalalkaasi.
KAALINTA SOOMAALIYA EE HABRAACA

Qoondada Xajka ee Soomaaliya, Soomaaliya waxaa lagu aqoonsaday waddamada ugu waxqabadka badan bixinta adeegyo tayo leh oo ay siiso xujeyda, iyadoo gaartay kaalinta 4aad adduunka oo dhan qiimeynta 2025. Dalku wuxuu helay aqoonsi gaar ah iyo meel gaar ah oo lagu soo bandhigo adeegyada kala duwan ee uu siiyo xujeyda Soomaaliyeed si loogu diyaar garoobo xilliga Xajka.

Qoondada Xajka ee Soomaaliya, Dowladda Soomaaliya, ayaa aad uga shaqeesay in ay isku daba riddo adeegyada xujeyda, ka bilaabato Visaha-ha ilaa ka war-heynta iyo haggidda xujeyda marka ay ku sugan yihiin gudashada waajibaadka xajka. Tani ayaa ka dhigan Soomaaliya in ay ku muteesatay maqaamkaas sare ay ka gaartay adeegyada xujeyda.
