Iskaashiga Soomaaliya iyo Ciraaq, Ra’isal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay wafdi ka socda dowladda Ciraaq.
ISKAASHIGA SOOMAALIYA IYO CIRAAQ: QAABILISTA MUQDISHO

Iskaashiga Soomaaliya iyo Ciraaq, kulanka dhexmaray Ra’isal-wasaaraha iyo wafdiga ka socda Ciraaq oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha amniga ee dowladaha Federaalka Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa looga hadlay iskaashiga dhinaca amniga gaar ahaan la dagaalanka xarakada Al-shabaab.
Akhriso sidoo kale:
ISBITAALKA MUQDISHO 2025: HORUMARINTA ADEEGYADA CAAFIMAAD EE CARUURTA
Waxaa sida oo kale dhinacyada kulankooda ay ku wadaageen is dhaafsiga khibradaha la xariira la dagaalanka kooxaha loogu yeero argagixisada iyo horumarinta maal-gashiga, gaar ahaan sida kaluumeysiga, tamarta, beeraha iyo xoolaha oo uu dalka u uku yahay hodan.
DULUCDA KULANKA

Iskaashiga Soomaaliya iyo Ciraaq, Ra’isal-wasaare Xamse Cabdi Barre iyo wafdiga Ciraaq ayaa isla gartay in labada dowladood ay xoojiyaan wadashaqeyntooda, si loo helo fursado ganacsi iyo kuwa horumarineed oo dheeraad ah, islamarkaana loo balaariyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq.

Iskaashiga Soomaaliya iyo Ciraaq, kulankaan ayaa imaanaya, iyada oo dowladda Soomaaliya ay sanadahii ugu dambeeyay sare u qaadeysy xiriirka diblomaasiyadeed oo ay la leedahay dalalka caalamka, islamarkaana dib uga soo muuqaneysay fagaarayaasha caalamka.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa aad ugu howlan horumarinta hay’adda dowliga ah, kuwaas oo laga doonaayo in ay noqdaan kuwa bixiyo adeegyo hufan oo lagu qanco, isla markaana bulashada Soomaaliyeed ay aad ugu riyaaqaan kana faa’iideystaan adeegyadaasi.
