Cabashada shaqaalaha Garoonka Aadan Cabdulle, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa maanta si guul leh u soo afjaray cabasho ay qabeen shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle. Kulanka xalinta cabashada, oo ka dhacay garoonka, ayaa wasiirka waxaa ku wehlinayay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha Guud, iyo Maareeyaha Garoonka.
CABASHADA SHAQAALHA GAROONKA AADAN CABDULLE: DHAGEYSIGA CABASHOOYINKA
Cabashada shaqaalaha Garoonka Aadan Cabdulle, intii uu kulanku socday, wafdiga wasaaradda ayaa si dhow u dhageystay cabashooyinka shaqaalaha oo la xiriiray arrimo shaqo. Kadib wada-hadallo miro-dhal ah, waxaa la isku raacay xal waara oo lagu qanciyay dhinacyadii kala duwanaa.

Wasiirka ayaa faray shirkadda maamusha garoonka in ay si degdeg ah wax uga qabato dhammaan qodobadii ay shaqaaluhu cabashada ka muujiyeen.
Cabashada shaqaalaha Garoonka Aadan Cabdulle, waxaa loo digay shirkadda maamulka garoonka, waxaana lagu amray in aysan mar dambe soo laaban cabashooyin noocaan oo kale ah.
Akhriso sidoo kale:
BALAN-QAADKA XUKUUMADDA
Cabashada shaqaalaha Garoonka Aadan Cabdulle, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa ballanqaaday in ay si joogto ah ula socon doonto xaaladda shaqo ee garoonka, si loo hubiyo in xuquuqda shaqaalaha la ilaaliyo, howlaha garoonkuna u socdaan si habsami leh.

Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa u mahadceliyay shaqaalaha garoonka sida ay u muujiyeen dulqaadka iyo mas’uuliyadda, isagoo ku dhiirigeliyay in ay si daacadnimo iyo hufnaan leh u gutaan waajibaadkooda shaqo. Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyay in Wasaaradda ay mar walba u taagan tahay ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka shaqaalaha.

Cabashada shaqaalaha Garoonka Aadan Cabdulle, hawlihii garoonka ayaa dib caadi ugu soo laabtay, iyadoo la xaqiijiyay in adeegyada duulimaadyada ay dib u bilaabmeen si habsami leh. Wasaaraddu waxay cadeysay in amniga iyo badbaadada garoonku ay yihiin mudnaanta ugu sareysa.

