Saameynta e-visa ee DFS, Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa sheegay in Premier Bank Somaliland aanu wax door ah ku lahayn heshiiska lacag ururinta ee adeegga E-Visa ee dowladda Soomaaliya hirgelisay, qoraal banigaga kaasoo baxay ayaa lagu sheegay in heshiiskaasi uu si gaar ah uga dhacay Muqdisho, isla markaana aanay wax xidhiidh ah la lahayn nidaamka maaliyadeed ee Somaliland.
SAAMEYNTA E-VISA EE DFS: WAR-SAXAFADEEDKA BAANKIGA

Saameynta e-visa ee DFS, war-saxaafadeed uu soo saaray Baanka Dhexe ayaa lagu caddeeyay in Baanka Premier Bank Somaliland uu ku shaqeeyo shuruucda iyo xeerarka maaliyadeed ee Somaliland, isla markaana aanu qayb ka ahayn nidaamka lacag bixinta (payment gateway) ee lagu ururiyo lacagaha E-Visa ee Soomaaliya.
“Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu bulshada reer Somaliland u sheegayaa in heshiiska adeegga E-Visa ee Soomaaliya lagu galay gudaha Soomaaliya, Baanka Premier Bank Somaliland-na wax door ah kuma lahaan hawshaas, waxuuna ku shaqeeyaa xeerarka iyo shuruucda maaliyadeed ee Somaliland,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.
DHAQDHAQAAQA HAY’ADDAHA MAALIYADEED
Saameynta e-visa ee DFS, Baanka Dhexe ayaa intaa ku daray in uu si dhow ula socdo dhaq-dhaqaaqa hay’adaha maaliyadeed ee Somaliland, si looga hortago in nidaamka maaliyadeed ee Somaliland lagu dhex geliyo adeegyo ama heshiisyo aan sharciyadooda waafaqsanayn xeerarka Somaliland.
Sidoo kale, Baanka Dhexe ayaa uga digay muwaadiniinta iyo warbaahinta faafinta warar aan la hubin ee dhaawici kara sumcadda iyo kalsoonida hay’adaha maaliyadeed ee Somaliland, isagoo xusay in ciddii ku kacda falal maaliyadeed oo sharci darro ah lala tiigsan doono hay’adaha sharciga ee ku shaqada leh.
KA GO’NAANSHAHA XASILOONIDA DHAQAALE
Saameynta e-visa ee DFS, Baanku wuxuu ugu dambayntii ku celiyay in uu ka go’an yahay ilaalinta madax-bannaanida nidaamka maaliyadeed ee Somaliland iyo sugidda xasilloonida dhaqaalaha, isaga oo ku booriyay bulshada iyo ganacsatada in ay kalsooni buuxda ku qabaan hay’adaha maaliyadeed ee Somaliland.
Akhriso sidoo kale:
FARMAAJO OO MUQDISHO DIB UGU SOO LAABTAY 2 SANO KA DIB: DIB U SOO LAABASHADA FARMAAJO
SHIRKA TODDOBAADLAHA AH OO QABSOOMAY: DULUCDA SHIRKAASI QABSOOMAY
Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha Golaha Guurtida Somaliland, Mukhtaar Maxamuud, oo la hadlay Bulshto TV, ayaa sheegay in Premier Bank, uu yahay shirkad gaar loo leeyahay, isla markaana haddii waaxdeeda Muqdisho lacagta E-visaha Soomaaliya lagu shubo anay dambi kulahayn, oo aan loo qabsanayn, isla markaana dowlada Soomaaliya iyo Somaliland ay is hayaan, ee Somaliland iyo bangigu aanay ishayn.
“Maalin dhawayd waxan arkay Ismaaciil oo ka hadlaya, arrinka bangiyadu waa ganasci gaar looleeyahay, arrinkana waa siyaasad, in la is dhexgaliyo siyaasadiina iyo ganacsigiina maaha, Baanankeena maanta Somaliland ka jira sida Dahabshiil, Daarasalaam iyo Premier Bank, waa baanan caalami ah, ugu yaraan waxay ku yallaan dhulka Soomaalidu dagto oo dhan” ayuu Xildhibaan Mukhtaar.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Dowlad ayaynu inagu ishayna waxaana sameeyay arrinta E-visaha dowlada Soomaaliya iyo Xasan Sheekh Maxamuud, marka dee iyaga ayaa eeda leh oo aynu inagu ishayna, lakiin bangiga gaarka loo leeyahay haddii akown kiisa halka ka furan la yidha lacag ayaa lagu shubaya dee ma xukumi karno.”
EEDEYMAHA LOO SOO JEEDIYAY WORLD REMIT

Saameynta e-visa ee DFS, Xildhibaanka ayaa si gaar ah ugu eedeeyay Aasaasaha World Remit, in uu ka faa’iidaysanyo xaaalada siyaasadeed ee taagan, waxa uuna uga ka digay in ganacsatadu ay ku dhexmilanto siyaasada, waxa uu sheegay in bangigu uu yahay weel oo wax lagu shubto, oo qaybta Muqdisho anay diidi karin haddii lacag lagu shubo.
Maamulaha Guud ee Xawaaladda World Remit, Axmed Ismaaciil, ayaa 11 bishan sheegay in nidaamka dal-ku-galka danabeysan (E-Visa) ee ay dowladdu soo rogtay uu ka dambeeyo Premier Bank.
Saameynta e-visa ee DFS, Bangiga Premier Bank Somaliland oo dhankiisa iska difaacay eedaha uu jeediyay Axmed Ismaaciil ayaa sheegay inuu yahay bangi si buuxda ugu diiwaangashan sharciga Somaliland, isla markaana u hoggaansan xeerarka iyo nidaamyada maaliyadeed ee Somaliland. Bangigu wuxuu xusay in adeegyada uu bixiyo, ay ku kooban yihiin gudaha Somaliland, gaar ahaan adeegga Gateway Service oo fududeynaya lacag-bixinta casriga ah.
Mamulaha ganacsiga Premier Bank ee Somaliland Xuseen Xasan Xuseen ayaa isna beeniyay in bangigu wax lug ah ku leeyahay arrinta E-Visaha Soomaaliya. Wuxuu sheegay in bangigu uu adeeg bixiyo, balse aanu isagu hindisin siyaasadaha sida E-Visa, isaga oo intaas ku daray in Ismaaciil Axmed aanu hayn wax caddayn ah oo arrinta la xidhiidha, isla markaana ay tahay war isaga ku kooban.
