Dagaal ka dhan ah Shabaab, Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha amniga ee Koonfur Galbeed oo diirada lagu saaray adkeynta amaanka iyo dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Maleshiyaadka Al-Shabaab.
DAGAAL KA DHAN AH SHABAAB: SHIR LOOGA ARRINSADAY QORSHAHA DAGAAL

Dagaal ka dhan ah Shabaab, shirka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirrada amniga iyo arrimaha gudaha, Agaasimaha Madaxtooyada, Taliyeyaasha ciidanka iyo saraakiil ka tirsan Howlgalka AUSSOM.
AKHRISO SIDOO KALE:
WASIIR KU-XIGEENKA MAALIYADDA OO HOR-TAGAY 2-DA AQAL: WAR-BIXINTA MIISAANIYADDA QARANKA
QIIMAHA KHAADKA OO HOOS U DHACAY: TARTANKA U DHEXEEYO KENYA IYO ETHIOPIA
Shirkan ayaa si qoto dheer looga arinsaday xaalada amniga guud ee deegaanada maamulka Koonfur Galbeed qorshayaasha horumarineed iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha amniga Koonfur Galbeed Soomaaliya.
KU DHAWAAQISTA MADAXWEYNAHA EE DAGAALKA CUSUB

Dagaal ka dhan ah Shabaab, Madaxweyne Laftagareen ayaa shirka kaga dhawaaqay in Koofur Galbeed ay qaadayso dagaal cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab, isagoona ku booriyey hay’adaha amniga iney la shaqeeyaan bulshada si loo xaqiijiyo xasiloonida deegaanada maamulkaas.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ku amaanay ciidamada qalabka sida ee ka howlgalada deegaanada maamulkiisa iney laf dhabar u yihiin amniga guud ee Koonfur Galbeed, waxana xusid mudan in deegaano badan oo ka tirsan Koonfur Galbeed iney ka socdaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah Koonfur Galbeed.

