Close Menu
    Follow us
    • Facebook
    • Twitter
    What's Hot
    Cholera outbreak spreading: Millions of kids in 6 nations at risk

    Cholera outbreak spreading: Millions of kids in 6 nations at risk

    School Dropout Reasons: Why Do So Many Students Leave Early?

    School Dropout Reasons: Why Do So Many Students Leave Early?

    Somali Food Dishes the World Still Doesn't Know About

    Delicious Somali food the World Still Doesn’t Know About

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, August 15
    Facebook X (Twitter) Instagram TikTok Threads YouTube
    Somali probeSomali probe
    • Local News
    • Business & Technology
    • Politics
    • Education
    • Health
    • Culture
    Somali probeSomali probe
    Home»Business & Technology»SAAMEYNTA E-VISA EE DFS.. SOMALILAND OO DIFAACDAY PREMIER BANK LAANTIISA SOMALILAND
    Business & Technology

    SAAMEYNTA E-VISA EE DFS.. SOMALILAND OO DIFAACDAY PREMIER BANK LAANTIISA SOMALILAND

    November 13, 2025
    Share Facebook Twitter Pinterest Telegram LinkedIn Tumblr Email Copy Link
    Saameynta e-visa ee DFS
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Reddit Telegram WhatsApp Email Copy Link

    Saameynta e-visa ee DFS, Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa sheegay in Premier Bank Somaliland aanu wax door ah ku lahayn heshiiska lacag ururinta ee adeegga E-Visa ee dowladda Soomaaliya hirgelisay, qoraal banigaga kaasoo baxay ayaa lagu sheegay in heshiiskaasi uu si gaar ah uga dhacay Muqdisho, isla markaana aanay wax xidhiidh ah la lahayn nidaamka maaliyadeed ee Somaliland.

    SAAMEYNTA E-VISA EE DFS: WAR-SAXAFADEEDKA BAANKIGA

    Saameynta e-visa ee DFS

    Saameynta e-visa ee DFS, war-saxaafadeed uu soo saaray Baanka Dhexe ayaa lagu caddeeyay in Baanka Premier Bank Somaliland uu ku shaqeeyo shuruucda iyo xeerarka maaliyadeed ee Somaliland, isla markaana aanu qayb ka ahayn nidaamka lacag bixinta (payment gateway) ee lagu ururiyo lacagaha E-Visa ee Soomaaliya.

    “Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu bulshada reer Somaliland u sheegayaa in heshiiska adeegga E-Visa ee Soomaaliya lagu galay gudaha Soomaaliya, Baanka Premier Bank Somaliland-na wax door ah kuma lahaan hawshaas, waxuuna ku shaqeeyaa xeerarka iyo shuruucda maaliyadeed ee Somaliland,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

    DHAQDHAQAAQA HAY’ADDAHA MAALIYADEED

    Saameynta e-visa ee DFS, Baanka Dhexe ayaa intaa ku daray in uu si dhow ula socdo dhaq-dhaqaaqa hay’adaha maaliyadeed ee Somaliland, si looga hortago in nidaamka maaliyadeed ee Somaliland lagu dhex geliyo adeegyo ama heshiisyo aan sharciyadooda waafaqsanayn xeerarka Somaliland.

    Sidoo kale, Baanka Dhexe ayaa uga digay muwaadiniinta iyo warbaahinta faafinta warar aan la hubin ee dhaawici kara sumcadda iyo kalsoonida hay’adaha maaliyadeed ee Somaliland, isagoo xusay in ciddii ku kacda falal maaliyadeed oo sharci darro ah lala tiigsan doono hay’adaha sharciga ee ku shaqada leh.

    KA GO’NAANSHAHA XASILOONIDA DHAQAALE

    Saameynta e-visa ee DFS, Baanku wuxuu ugu dambayntii ku celiyay in uu ka go’an yahay ilaalinta madax-bannaanida nidaamka maaliyadeed ee Somaliland iyo sugidda xasilloonida dhaqaalaha, isaga oo ku booriyay bulshada iyo ganacsatada in ay kalsooni buuxda ku qabaan hay’adaha maaliyadeed ee Somaliland.

    Akhriso sidoo kale:

    FARMAAJO OO MUQDISHO DIB UGU SOO LAABTAY 2 SANO KA DIB: DIB U SOO LAABASHADA FARMAAJO

    SHIRKA TODDOBAADLAHA AH OO QABSOOMAY: DULUCDA SHIRKAASI QABSOOMAY

    Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha Golaha Guurtida Somaliland, Mukhtaar Maxamuud, oo la hadlay Bulshto TV, ayaa sheegay in Premier Bank, uu yahay shirkad gaar loo leeyahay, isla markaana haddii waaxdeeda Muqdisho lacagta E-visaha Soomaaliya lagu shubo anay dambi  kulahayn, oo aan loo qabsanayn, isla markaana dowlada Soomaaliya iyo Somaliland ay is hayaan, ee Somaliland iyo bangigu aanay ishayn.

    “Maalin dhawayd waxan arkay Ismaaciil oo ka hadlaya, arrinka bangiyadu waa ganasci gaar looleeyahay, arrinkana waa siyaasad, in la is dhexgaliyo siyaasadiina iyo ganacsigiina maaha, Baanankeena maanta Somaliland ka jira sida Dahabshiil, Daarasalaam iyo Premier Bank, waa baanan caalami ah, ugu yaraan waxay ku yallaan dhulka Soomaalidu dagto oo dhan” ayuu Xildhibaan Mukhtaar.

    Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Dowlad ayaynu inagu ishayna waxaana sameeyay arrinta E-visaha dowlada Soomaaliya iyo Xasan Sheekh Maxamuud, marka dee iyaga ayaa eeda leh oo aynu inagu ishayna, lakiin bangiga gaarka loo leeyahay haddii akown kiisa halka ka furan la yidha lacag ayaa lagu shubaya dee ma xukumi karno.”

    EEDEYMAHA LOO SOO JEEDIYAY WORLD REMIT

    Saameynta e-visa ee DFS

    Saameynta e-visa ee DFS, Xildhibaanka ayaa si gaar ah ugu eedeeyay Aasaasaha World Remit, in uu ka faa’iidaysanyo xaaalada siyaasadeed ee taagan, waxa uuna uga ka digay in ganacsatadu ay ku dhexmilanto siyaasada, waxa uu sheegay in bangigu uu yahay weel oo wax lagu shubto, oo qaybta Muqdisho anay diidi karin haddii lacag lagu shubo.

    Maamulaha Guud ee Xawaaladda World Remit, Axmed Ismaaciil, ayaa 11 bishan sheegay in nidaamka dal-ku-galka danabeysan (E-Visa) ee ay dowladdu soo rogtay uu ka dambeeyo Premier Bank.

    Saameynta e-visa ee DFS, Bangiga Premier Bank Somaliland oo dhankiisa iska difaacay eedaha uu jeediyay Axmed Ismaaciil ayaa sheegay inuu yahay bangi si buuxda ugu diiwaangashan sharciga Somaliland, isla markaana u hoggaansan xeerarka iyo nidaamyada maaliyadeed ee Somaliland. Bangigu wuxuu xusay in adeegyada uu bixiyo, ay ku kooban yihiin gudaha Somaliland, gaar ahaan adeegga Gateway Service oo fududeynaya lacag-bixinta casriga ah. 

    Mamulaha ganacsiga Premier Bank ee Somaliland Xuseen Xasan Xuseen ayaa isna beeniyay in bangigu wax lug ah ku leeyahay arrinta E-Visaha Soomaaliya. Wuxuu sheegay in bangigu uu adeeg bixiyo, balse aanu isagu hindisin siyaasadaha sida E-Visa, isaga oo intaas ku daray in Ismaaciil Axmed aanu hayn wax caddayn ah oo arrinta la xidhiidha, isla markaana ay tahay war isaga ku kooban.

    Share. Facebook Twitter LinkedIn Reddit WhatsApp Telegram Email Copy Link
    Previous ArticleDULUCDA SHIRKAASI QABSOOMAY.. SHIRKA TODDOBAADLAHA AH OO QABSOOMAY
    Next Article MIGRANTS INCLUDING SOMALIS MISSING.. BOAT CAPSIZES OFF LIBIYAN COAST

    Related Posts

    Things You Don't Know About Electric Car Dominance Today
    Business & Technology

    Electric Car Dominance: Things You Don’t Know

    August 13, 2026
    Record Profits Boost Samsung: Global Chip Market Standing
    Business & Technology

    Record Profits Boost Samsung: Global Chip Market Standing

    August 12, 2026
    Hidden AI Profile: What Does It Know About Your Daily Habits?
    Business & Technology

    Hidden AI Profile: What Does It Know About Your Daily Habits?

    August 11, 2026
    Latest Posts
    Cholera outbreak spreading: Millions of kids in 6 nations at risk

    Cholera outbreak spreading: Millions of kids in 6 nations at risk

    School Dropout Reasons: Why Do So Many Students Leave Early?

    School Dropout Reasons: Why Do So Many Students Leave Early?

    Somali Food Dishes the World Still Doesn't Know About

    Delicious Somali food the World Still Doesn’t Know About

    Global Shipping Traffic Dropping in the Strait of Hormuz?

    Global Shipping Traffic Dropping in the Strait of Hormuz?

    You May Also Like
    Things You Don't Know About Electric Car Dominance Today

    Electric Car Dominance: Things You Don’t Know

    August 13, 2026

    Electric car dominance is transforming the global vehicle industry as Chinese companies quickly take over…

    Record Profits Boost Samsung: Global Chip Market Standing

    Record Profits Boost Samsung: Global Chip Market Standing

    August 12, 2026

    Record profits boost Samsung market power after the South Korean tech giant reported massive financial…

    Hidden AI Profile: What Does It Know About Your Daily Habits?

    Hidden AI Profile: What Does It Know About Your Daily Habits?

    August 11, 2026

    Hidden AI profile systems are working quietly behind the scenes to learn things about your…

    what is dangerous ai behavior and why does it happen?

    what is dangerous ai behavior and why does it happen?

    August 10, 2026

    Dangerous ai behavior is turning into a serious issue as new tests reveal how automated…

    How ChatGPT Work Secrets Are Changing Daily Tasks

    How ChatGPT Work Secrets Are Changing Daily Tasks

    August 9, 2026

    Chatgpt work secrets can save you many hours of difficult work every single week if…

    Facebook X (Twitter) Instagram Threads TikTok

    News

    • Local News
    • Business & Economy
    • Politics
    • Education
    • Health
    • Culture

    Editor's choice

    Health

    Cholera outbreak spreading: Millions of kids in 6 nations at risk

    August 14, 2026
    Education

    School Dropout Reasons: Why Do So Many Students Leave Early?

    August 14, 2026
    © 2026 Somali Probe
    • Privacy Policy
    • Terms & Conditions
    • Contact us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.