Kadib jabsashada xogta e-visa, Warbixin ay qortay Daily Express, oo ah warbaahin laga leeyahay Maraykanka, ayaa sheegaysa in in ka badan 60 khabiir oo sirdoon shisheeye ah ay 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ka baxeen Muqdisho, kaddib markii Safaarada Maraykanka ee Muqdisho ay sheegtay in 11-kii November 2025 la jabsaday nidaamka E-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
KADIB JABSASHADA XOGTA E-VISA: SAAMEYNTA JABSASHADA

Kadib jabsashada xogta e-visa, Sirdoonka shisheeye ayaa dalka ka baxaya kadib markii la sheegay in kooxo aan la garanaynin ay gacanta ku dhigeen xogta in ka badan 35,000 qof oo isticmaalay nidaamka E- Visa oo ka kala yimid dalal ay ka mid yihiin Maraykanka.
AKHRISO SIDOO KALE:
WASIIR KU-XIGEENKA MAALIYADDA OO HOR-TAGAY 2-DA AQAL: WAR-BIXINTA MIISAANIYADDA QARANKA
MOGADISHU BEGINS ISSUING VOTER CARDS: THE FIRST LOCAL COUNCIL ELECTIONShttps://somaliprobe.com/mogadishu-begins-issuing-voter-cards-the-first-local-council-elections/
Xogta la jabsaday waxaa ku jiray: magacyada, sawirrada, taariikhaha iyo goobaha dhalashada, cinwaanada, e-mailada, xaaladda guurka, iyo cinwaanada guryaha. Warbixinta ayaa sheegtay in safaaradaha shisheeye ee Muqdisho ay joojiyeen isticmaalka nidaamka E-visa ee dowladda, iyaga oo ka cabsi qaba in xogtooda la faafiyo.

Kadib jabsashada xogta e-visa, Warbixinnada caalamiga ah ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta ay Soomaaliya u adeegsadeen marin ay hubka u mariyaan dagaalyahannada RSF ee Suudaan.
XOGGAHA KALA DUWAN EE LA HELAAYO
Kadib jabsashada xogta e-visa, Daily Express waxay sheegtay in xogta la tuhunsanyahay in la jabsaday ay sidoo kale muujisay in calooshooda u shaqaystayaal ka yimid Kolombiya ay soo mareen madaarrada Soomaaliya kahor inta ayna gudbin Suudaan.

Safaarada Marakanka ee Soomaaliya ayaa habeen hore sheegtay in la jabsaday nidaamka lagu kaydiyo xogta dal-ku-galka danabaysan ee Soomaaliya, kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay sawiro iyo baasbooro aad u badan oo dadka baahiyay ay sheegeen in ay yihiin dad Soomaaliya usoo safray oo xogtoodii la dhacay.
Kadib jabsashada xogta e-visa, Dowlada federaalka Soomaliya wali si rasmi ah ugama hadal jiritaanka warkaan, waxaana la filaya in saacadaha soo socda ay ka hadli doonaan.
