Shirweynaha EU Indo-Pacific, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaare iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Senator Mohammad Ishaq Dar, intii lagu guda jiray Shirweynaha 4-aad ee Wasiiro ee EU Indo-Pacific oo ka socda Brussels.
SHIRWEYNAHA EU INDO-PACIFIC: XOOJINTA XIRIIRKA LABADA DAL

Shirweynaha EU Indo-Pacific, kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo ballaarinta xiriirka laba-geesoodka ah ee sii kordhaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan. Labada dhinac ayaa mar kale xaqiijiyey xiriirka qoto dheer ee walaaltinimo, iskaashiga taariikhiga ah, iyo danaha wadajirka ah ee mideeya labada dal.
AKHRISO SIDOO KALE:
SOOMAALIYA IYO MASAR OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS IS-AFGARAD: KORMEERKA IYO BAARISTA MAALIYADDEED
Wasiirradu waxay sidoo kale ku heshiiyeen in la dedejiyo iskaashiga dhinacyada muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin diblomaasiyadda, amniga, ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, iyo dhismaha awoodaha hay’adaha, dadaallo ujeedkoodu yahay horumar waara oo ka faa’iideeya labada dal.
BALLAARINTA ISKAASHIGA LABADA DAL

Shirweynaha EU Indo-Pacific, kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyey ballan wadajir ah oo ku saabsan sii wadida wadahadalka iyo iskaashiga, iyo abuurnta fursado cusub oo kor u qaadaya iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan.
Dalka Soomaaliya, ayaa la yeeshay dalal badan kulamo kala duwan intii lagu guda-jiray Shirweynaha EU Indo-Pacific, taas oo u sahleyso Soomaaliya inay xoojiso xiriirkeeda caalamiga ah, iyadoo soo dabaaleyso sameyn xiriiryo hor leh.

