Maamulista intarnetka Soomaaliya, Ra’isal-wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa furay shirweynaha sanadlaha ah ee maamulka intarnetka ee Muqdisho., kaas oo looga hadlay horumarinta siyaasaddaha dhijitaalka ah, amniga intarnetka iyo hal-abuurka teknoolijiyadda . shirka ayaa isku keenay khubaro iyo saamiley, si loo kobciyo maamulka intarnetka iyo mustaqbalka dhijitaalka ah ee Soomaaliya.
MAAMULISTA INTARNETKA SOOMAALIYA: FURITAANKA SHIRWEYNAHA IYO MUHIIMADDIISA

Maamulista intarnetka Soomaaliya, Ra’isal-wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u furayshirweynaha sanadlaha ah ee maamulka intarnet oo ka socdo Muqdisho. Shirka ayaa isku keenay khubaro, siyaasiyiin iyo wakiilo ka socdo hay’addaha dowladda, shirkaddaha isgaarsiin iyo bulshada rayidka ah, si ay uga wada hadlaan sida loo horumarini karo maamulka intarnetka iyo ilaalinta ammaanka dhijitaalka ah ee dalka.

Akhriso sidoo kale:
AYA OO KU GUULEYSATAY TARTAN DABAAL
UUR ISKA-SOO-XAAQISTA SHARCI-DARADA EE SOOMAALIYA
Ra’isal-wasaaraha ayaa sheegay in horumarka intarnetka uu muhiim u yahay kobaca dhaqaale, wax-barashada iyo adeegyada bulshada. Waxaa uuna xusay in dowladda ay ku howlantahay dejinta sharciyo iyo siyaasaddo lagu xaqiijinaayoin dhamaan muwaadhiniinta ay helaan intarnet ammaan ah oo la isku haleyni karo.
HORUMARINTA SIYAASADDAHA DHIJITAALKA
Maamulista intarnetka Soomaaliya, intii uu socday shrka, waxaa lagu falanqeeyay caqabaddaha iyo fursaddaha la xiriiro horumarinta siyaasaddaha dhijitaalka Soomaaliya, iyada oo la eegaayo sida loo xoojini karo isku xirka intarnetka, loona yareyni karo khatarta weerarada intarnetka iyo sidii loo kobcini lahaa hal-abuurka dhijitaalka ah.
Ka qeyb-galayaasha ayaa ku talliyay in la abuuro iskaashi dhow oo u dhexeeya dowladda, shirkadda gaarka loo leeyahay iyo ururada bulshada, si loo dhiso mustaqbal dhijitaal ah oo wara.

Shirkaan ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo kor u qaadaayo doorka Soomaaliya ee maamulka intarnetka gobolka iyo caalamka, isla markaana xiijinaayo dadaalada lagu horumarinaayo kaabayaasha isgaarsiinta iyo adeegyada dhijitaalka ah ee dalka.

