Dilkii maareeyaha DP World ee Boosaaso, Puntland ayaa ku eedeysay Dowladda Qatar inay ka dambeysay dilkii maareeyihii shirkadda DP World ee dekedda Boosaaso, Paul Farmosa, oo magaalada Bosaso lagu dilay bishii March ee sanadkii 2019, isla markaana ay taageerto kooxaha argagixisada iyo warbaahinta faafisa mabaadi’dooda.
DILKII MAAREEYAHA DP WORLD EE BOOSAASO: KOOXAHA FAAFIYA MABA’DIIDA DAACISH

Dilkii maareeyaha DP World ee Boosaaso, Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in argagixisadii buuraha joogta iyo kuwa ku dhuumaalaysanaya saxaafadda in ay isku mid yihiin, isagoo intaas ku daray in la soo afjari doono dhammaan kooxaha faafiya mabaadi’da Daacish iyo Al-Shabaab.
Akhriso sidoo kale:
A CALL FOR PEACE: A STATEMENT FROM MINISTER OF INTERIOR
THE RESPONSE OF AN INCIDENT: THE MINISTER OF HEALTH APPEARED IN FRONT OF THE COMMITTEE
Wasiirka ayaa ku eedeeyay Dowladda Qatar inay hoy siisay hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab ee buuraleyda Galgala, Sheekh Maxamed Siciid Atam, kaas oo hadda ku nool dalkaas.
KOOXAHA XIRIIRKA LA LEH QATAR

Dilkii maareeyaha DP World ee Boosaaso, sidoo kale, wuxuu xusay in Qatar ay qiratay kaalinteedii ka dambaysay dilkii maareeyihii DP World ee Boosaaso, isla markaana ay maalgeliso warbaahinta Middle East Eye, oo uu wasiirku kutilmaamay kuwa dacaayado iyo been abuur ka sameeysa Puntland.
“Waxaas oo dhan waxay ka tarjumayaan ciil ay qabaan kuwa aan rabin in Puntland ka adkaato Daacish,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta, isagoo ku adkeeyay in Puntland ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo cid kasta oo taageerta.

Dilkii maareeyaha DP World ee Boosaaso, lama oga sababta keentay xilligan in Puntland ay ku eedeyso Qatar inay ka dambeysay dilkii maareeyihii dekedda Boosaaso, iyadoo la ogyahay inay Alshabaab ka dambeeyeen ayna sheegteen dilkiisa.
