Close Menu
    Follow us
    • Facebook
    • Twitter
    What's Hot

    MIGRANTS INCLUDING SOMALIS MISSING.. BOAT CAPSIZES OFF LIBIYAN COAST

    SAAMEYNTA E-VISA EE DFS.. SOMALILAND OO DIFAACDAY PREMIER BANK LAANTIISA SOMALILAND

    DULUCDA SHIRKAASI QABSOOMAY.. SHIRKA TODDOBAADLAHA AH OO QABSOOMAY

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, November 14
    Facebook X (Twitter) Instagram TikTok Threads
    Somali probeSomali probe
    • Local News
    • Business & Technology
    • Politics
    • Education
    • Health
    • Culture
    Somali probeSomali probe
    Home»Business & Technology»SAAMEYNTA E-VISA EE DFS.. SOMALILAND OO DIFAACDAY PREMIER BANK LAANTIISA SOMALILAND
    Business & Technology

    SAAMEYNTA E-VISA EE DFS.. SOMALILAND OO DIFAACDAY PREMIER BANK LAANTIISA SOMALILAND

    November 13, 2025
    Share Facebook Twitter Pinterest Telegram LinkedIn Tumblr Email Copy Link
    Saameynta e-visa ee DFS
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Reddit Telegram WhatsApp Email Copy Link

    Saameynta e-visa ee DFS, Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa sheegay in Premier Bank Somaliland aanu wax door ah ku lahayn heshiiska lacag ururinta ee adeegga E-Visa ee dowladda Soomaaliya hirgelisay, qoraal banigaga kaasoo baxay ayaa lagu sheegay in heshiiskaasi uu si gaar ah uga dhacay Muqdisho, isla markaana aanay wax xidhiidh ah la lahayn nidaamka maaliyadeed ee Somaliland.

    SAAMEYNTA E-VISA EE DFS: WAR-SAXAFADEEDKA BAANKIGA

    Saameynta e-visa ee DFS

    Saameynta e-visa ee DFS, war-saxaafadeed uu soo saaray Baanka Dhexe ayaa lagu caddeeyay in Baanka Premier Bank Somaliland uu ku shaqeeyo shuruucda iyo xeerarka maaliyadeed ee Somaliland, isla markaana aanu qayb ka ahayn nidaamka lacag bixinta (payment gateway) ee lagu ururiyo lacagaha E-Visa ee Soomaaliya.

    “Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu bulshada reer Somaliland u sheegayaa in heshiiska adeegga E-Visa ee Soomaaliya lagu galay gudaha Soomaaliya, Baanka Premier Bank Somaliland-na wax door ah kuma lahaan hawshaas, waxuuna ku shaqeeyaa xeerarka iyo shuruucda maaliyadeed ee Somaliland,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

    DHAQDHAQAAQA HAY’ADDAHA MAALIYADEED

    Saameynta e-visa ee DFS, Baanka Dhexe ayaa intaa ku daray in uu si dhow ula socdo dhaq-dhaqaaqa hay’adaha maaliyadeed ee Somaliland, si looga hortago in nidaamka maaliyadeed ee Somaliland lagu dhex geliyo adeegyo ama heshiisyo aan sharciyadooda waafaqsanayn xeerarka Somaliland.

    Sidoo kale, Baanka Dhexe ayaa uga digay muwaadiniinta iyo warbaahinta faafinta warar aan la hubin ee dhaawici kara sumcadda iyo kalsoonida hay’adaha maaliyadeed ee Somaliland, isagoo xusay in ciddii ku kacda falal maaliyadeed oo sharci darro ah lala tiigsan doono hay’adaha sharciga ee ku shaqada leh.

    KA GO’NAANSHAHA XASILOONIDA DHAQAALE

    Saameynta e-visa ee DFS, Baanku wuxuu ugu dambayntii ku celiyay in uu ka go’an yahay ilaalinta madax-bannaanida nidaamka maaliyadeed ee Somaliland iyo sugidda xasilloonida dhaqaalaha, isaga oo ku booriyay bulshada iyo ganacsatada in ay kalsooni buuxda ku qabaan hay’adaha maaliyadeed ee Somaliland.

    Akhriso sidoo kale:

    FARMAAJO OO MUQDISHO DIB UGU SOO LAABTAY 2 SANO KA DIB: DIB U SOO LAABASHADA FARMAAJO

    SHIRKA TODDOBAADLAHA AH OO QABSOOMAY: DULUCDA SHIRKAASI QABSOOMAY

    Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha Golaha Guurtida Somaliland, Mukhtaar Maxamuud, oo la hadlay Bulshto TV, ayaa sheegay in Premier Bank, uu yahay shirkad gaar loo leeyahay, isla markaana haddii waaxdeeda Muqdisho lacagta E-visaha Soomaaliya lagu shubo anay dambi  kulahayn, oo aan loo qabsanayn, isla markaana dowlada Soomaaliya iyo Somaliland ay is hayaan, ee Somaliland iyo bangigu aanay ishayn.

    “Maalin dhawayd waxan arkay Ismaaciil oo ka hadlaya, arrinka bangiyadu waa ganasci gaar looleeyahay, arrinkana waa siyaasad, in la is dhexgaliyo siyaasadiina iyo ganacsigiina maaha, Baanankeena maanta Somaliland ka jira sida Dahabshiil, Daarasalaam iyo Premier Bank, waa baanan caalami ah, ugu yaraan waxay ku yallaan dhulka Soomaalidu dagto oo dhan” ayuu Xildhibaan Mukhtaar.

    Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Dowlad ayaynu inagu ishayna waxaana sameeyay arrinta E-visaha dowlada Soomaaliya iyo Xasan Sheekh Maxamuud, marka dee iyaga ayaa eeda leh oo aynu inagu ishayna, lakiin bangiga gaarka loo leeyahay haddii akown kiisa halka ka furan la yidha lacag ayaa lagu shubaya dee ma xukumi karno.”

    EEDEYMAHA LOO SOO JEEDIYAY WORLD REMIT

    Saameynta e-visa ee DFS

    Saameynta e-visa ee DFS, Xildhibaanka ayaa si gaar ah ugu eedeeyay Aasaasaha World Remit, in uu ka faa’iidaysanyo xaaalada siyaasadeed ee taagan, waxa uuna uga ka digay in ganacsatadu ay ku dhexmilanto siyaasada, waxa uu sheegay in bangigu uu yahay weel oo wax lagu shubto, oo qaybta Muqdisho anay diidi karin haddii lacag lagu shubo.

    Maamulaha Guud ee Xawaaladda World Remit, Axmed Ismaaciil, ayaa 11 bishan sheegay in nidaamka dal-ku-galka danabeysan (E-Visa) ee ay dowladdu soo rogtay uu ka dambeeyo Premier Bank.

    Saameynta e-visa ee DFS, Bangiga Premier Bank Somaliland oo dhankiisa iska difaacay eedaha uu jeediyay Axmed Ismaaciil ayaa sheegay inuu yahay bangi si buuxda ugu diiwaangashan sharciga Somaliland, isla markaana u hoggaansan xeerarka iyo nidaamyada maaliyadeed ee Somaliland. Bangigu wuxuu xusay in adeegyada uu bixiyo, ay ku kooban yihiin gudaha Somaliland, gaar ahaan adeegga Gateway Service oo fududeynaya lacag-bixinta casriga ah. 

    Mamulaha ganacsiga Premier Bank ee Somaliland Xuseen Xasan Xuseen ayaa isna beeniyay in bangigu wax lug ah ku leeyahay arrinta E-Visaha Soomaaliya. Wuxuu sheegay in bangigu uu adeeg bixiyo, balse aanu isagu hindisin siyaasadaha sida E-Visa, isaga oo intaas ku daray in Ismaaciil Axmed aanu hayn wax caddayn ah oo arrinta la xidhiidha, isla markaana ay tahay war isaga ku kooban.

    Share. Facebook Twitter LinkedIn Reddit WhatsApp Telegram Email Copy Link
    Previous ArticleDULUCDA SHIRKAASI QABSOOMAY.. SHIRKA TODDOBAADLAHA AH OO QABSOOMAY
    Next Article MIGRANTS INCLUDING SOMALIS MISSING.. BOAT CAPSIZES OFF LIBIYAN COAST

    Related Posts

    Business & Technology

    SOMALIA’S E-VISA AND THE BLAME.. WORLD REMIT CEO: PREMIER BANK BENIFTS FROM SOMALIA’S E-VISA

    November 11, 2025
    Business & Technology

    INAUGURATION A SPECIAL DAY FOR SOMALIA.. THE MINISTER OF AGRICULTURE LAUNCHES EAC EXHIBITION

    November 10, 2025
    Business & Technology

    STRENGHTHENING SOMALIA’S PRODUCTION: ESTABLISHING MORE DEVELOPMENTAL STRUGGLES

    November 9, 2025
    Latest Posts

    MIGRANTS INCLUDING SOMALIS MISSING.. BOAT CAPSIZES OFF LIBIYAN COAST

    SAAMEYNTA E-VISA EE DFS.. SOMALILAND OO DIFAACDAY PREMIER BANK LAANTIISA SOMALILAND

    DULUCDA SHIRKAASI QABSOOMAY.. SHIRKA TODDOBAADLAHA AH OO QABSOOMAY

    DIB U SOO LAABASHADA FARMAAJO.. FARMAAJO OO MUQDISHO DIB UGU SOO LAABTAY 2 SANO KA DIB

    You May Also Like

    SOMALIA’S E-VISA AND THE BLAME.. WORLD REMIT CEO: PREMIER BANK BENIFTS FROM SOMALIA’S E-VISA

    November 11, 2025

    Somalia’s e-Visa and the blame, World Remit CEO, Ahmed Ismail said the government’s e-Visa scheme…

    INAUGURATION A SPECIAL DAY FOR SOMALIA.. THE MINISTER OF AGRICULTURE LAUNCHES EAC EXHIBITION

    November 10, 2025

    Inauguration a special day for Somalia, the Minister of Agriculture of the Federal Republic of…

    STRENGHTHENING SOMALIA’S PRODUCTION: ESTABLISHING MORE DEVELOPMENTAL STRUGGLES

    November 9, 2025

    Establishing more developmental struggles, The President of the Federal Republic of Somalia, His Excellency Hassan…

    KENYA’S PUSH FOR TRADE: EAC MARKET PROTOCOLS

    November 8, 2025

    EAC market protocols, Kenya plans to use this year’s East African Community MSME expo in…

    RA’ISAL-WASAARAHA DFS OO LA KULMAY WAFDI: ISKAASHIGA SOOMAALIYA IYO CIRAAQ

    November 6, 2025

    Iskaashiga Soomaaliya iyo Ciraaq, Ra’isal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho…

    Facebook X (Twitter) Instagram Threads TikTok

    News

    • Local News
    • Business & Economy
    • Politics
    • Education
    • Health
    • Culture

    Editor's choice

    Culture

    MIGRANTS INCLUDING SOMALIS MISSING.. BOAT CAPSIZES OFF LIBIYAN COAST

    November 14, 2025
    Business & Technology

    SAAMEYNTA E-VISA EE DFS.. SOMALILAND OO DIFAACDAY PREMIER BANK LAANTIISA SOMALILAND

    November 13, 2025
    © 2025 Somali Probe
    • Privacy Policy
    • Terms & Conditions
    • Contact us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.