Jabsashada nidaamka e-Visa Soomaaliya, Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in ilo-wareedyo dhowr ah ay soo weriyeen eedeymo lagu kalsoonaan karo oo ah in kooxo aanan la gareneyn ay jabsadeen nidaamka e-visa ee Soomaaliya, taasoo suurtagal ka dhigaysa in la soo bandhigo xogta shakhsi ahaaneed ee ugu yaraan 35,000 oo qof, oo ay suurtagal tahay inay kamid yihiin kumanaan muwaadiniin Mareykan ah.
JABSASHADA NIDAAMKA E-VISA SOOMAALIYA: XOGTA LA HELAY

Jabsashada nidaamka e-Visa Soomaaliya, xogta laga helay nidaamka la jabsaday waxaa sida la sheegay ka mid ah, magacyada dadka codsaday fiisaha, sawirradooda, taariikhda iyo halka ay ku dhasheen, ciwaannada email-ka, xirriirkooda guurka, iyo macluumaadka goobaha ay deggan yihiin.’
AKHRISO SIDOO KALE:
DAAWEYNTA NASTEEXO IYO HORUMARINTA MUSTAQBALKEEDA: SHEEKADA SOO-KABSASHADA EE SOOMAALIYA
DOWLADDA SOOMAALIYA OO SHAQAALEYSIINEYSO 10,000 OO MACALIMIIN: BALAN-QAAD FULIN U BAAHAN
In kasta oo Safaaradda Muqdisho aysan awoodin inay xaqiijiso in xogta gaar ahaaneed ee qofka qayb ka tahay macluumaadka la jabsaday iyo in kale, dadka codsaday e-visaha Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay saameyn ku yeelato arrintan.
BAAQA SAFAARADDA

Jabsashada nidaamka e-Visa Soomaaliya, Safaaraddu waxay dadka ugu baaqday inay ka war sugaan shaacinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ee ku saabsan nidaamka e-visa iyo in ay tallooyin weydiistaan waaxda xogaha la jabsaday ee Mareykanka.
Dhacdaan ayaa aheyd mid soo jirtay isbuucaan oo ay ku gadaaman yihiin xaaladdo kale oo ay ka mid cadaaddiska saaran Somaliland ee dhanka socdaal, kaas oo uga imaanaayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Somaliland dhankeeda ayaa dhaqdhaqaaq wado, kaas oo ay dooneyso inay uga hortagto culeysyada uga imaanaayo dhanka dowladda Soomaaliya.

