Nin gowracay wiil 14 jir ah, ciidamada amaanka degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan inuu gowracay wiil yar oo 14 sano jir ahaa, islamarkaana dhaawac daran u geystay wiil kale.
NIN GOWRACAY WIIL 14 JIR AH: XAALADDA WIILKA

Nin gowracay wiil 14 jir ah, ninkan eedeysanaha ayaa magaciisa lagu sheegay Jeelle Maxamed Cusmaan, kaasoo la tilmaamay inuu falkan naxdinta leh u geystay labada xili habeen ah, iyagoo ka yimid dugsi Quraan.
AKHRISO SIDOO KALE:
XAFIISKA XEER ILAALINTA QARANKA OO KIIS-BAARISTA BILAABAY: CABASHO KA DHAN AH TURKISH AIRLINE
GUDIGA DOOROSHOOYINKA OO DALBADAY KAALMO: DHAQAALE LAGU QABTO DOOROSHOOYINKA
Wiilka Dhaawaca ah ayaa haatan lagu daweynaya mid ka mid ah Isbitaalada ku yaala magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa inuu beegsato ninkaan labada wiil ee midna dhintay midna dhaawaca yahay.
RAAD-RAACA EEDEYSANAHA

Nin gowracay wiil 14 jir ah, laamaha amniga magaalada Dhoobley ayaa mudo saaacado ah ku raad joogay eedaysanahan oo ay ugu dambeyn ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan, waxayna sheegeen in hada ay socdaan baaritaan dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo sababaha ka dambeeyay falka naxdinta leh.
Saraakiisha Booliiska degmada Dhoobley ayaa ugu baaqay bulshada ku nool deegaanadaas iney la shaqeeyaan ciidamada amniga si looga hortago falalka noocan oo kale ah, si sharciga loo horkeeno dadka dambiyada ka gala deegaanka.

Nin gowracay wiil 14 jir ah, si kastaba ha ahaate sanadahii ugu dambeeyay waxaa qeybo badan oo ka mid ah deegaanada iyo degmooyinka gobolada dalka kusoo kordhaayay dilalka aragagaxa badan ee ka dhex dhacaya dadka Soomaaliyeed, waxaana u dambeeyay falkii naxdinta lahaa ee dhawaan lagu gubay oday 70 jir ahaa oo aano qabiil darteed loogu gubay deegaan hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
