Badbaadinta midnimada dalka, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aaden, ayaa qoraal uu ku baahiyey boggiisa Facebook ku muujiyey walaaca sii kordhaya oo uu sheegay inuu ka dhex jiro hay’adaha siyaasadda dalka, isaga oo tilmaamay in Soomaaliya wali la daala dhaceyso caqabado culus oo u baahan xal qaran oo mideeya.
BADBAADINTA MIDNIMADA DALKA: BAAQA MAXAMUUD SAYID AADEN

Badbaadinta midnimada dalka,Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa xusay in aan weli dalka helin hoggaan danta guud ka hormariya danaha gaar ahaaneed, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid hor taagan dib u dhiska dowladnimada iyo kalsoonida shacabka.
SIDA LOO JIHEYNI LAHAA DALKA

Badbaadinta midnimada dalka, qoraalkiisa, Maxamuud Sayid Aaden wuxuu soo jeediyey saddex qodob oo uu ku sheegay inay yihiin kuwa deg-deg u baahan in la qaado, si looga hortago kala fogaanshaha siyaasadeed ee soo xoogeysanaya.
AKHRISO SIDOO KALE:
GUDIGA DOOROSHOOYINKA OO DALBADAY KAALMO: DHAQAALE LAGU QABTO DOOROSHOOYINKA
XAFIISKA XEER ILAALINTA QARANKA OO KIIS-BAARISTA BILAABAY: CABASHO KA DHAN AH TURKISH AIRLINE
Marka hore Wuxuu ku baaqay in la isugu yimaado shir aan shuruudo lahayn oo ay ka soo qayb galaan hoggaamiyeyaasha Golaha Wada-tashiga Qaranka, si looga wada hadlo ajandayaasha masiiriga ah ee khilaafaadka dhalinaya, Shirku, ayuu yiri, wuxuu horseedi karaa go’aanno mideeya dalka.
FARIINTA KU AADAN HOGAANKA DALKA

Badbaadinta midnimada dalka, Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu sheegay in musharaxiinta u tartamaya hoggaanka dalka ee 2026 loo baahan yahay in lagu qanciyo muhiimadda go’aannada Golaha Wada-tashiga Qaranka, maadaama ay saameyn weyn ku leeyihiin jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.
Ugu dambeyn Maxamuud Sayid Aaden wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ugu baaqay inuu si “geesinimo leh” u wajaho xaaladda guud ee dalka, una hoggaamiyo shacabka isagoo ka duulaya waxa maanta macquul ah.
